Somaliland oo cafis u fidisay dagaalyahannadii Buurta Gacan Libaax

Xukuumadda Somaliland ayaa cafis u fidisay dagaalyahanadii ka soo horjeeday ee fadhigoodu ahaa buuraleyda Gacan Libaax, taasoo soo af-jartay khilaafkii muddada dheer ka taagnaa doorashada maamulkaas.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Salaasadii, ayaa lagu yiri, “Wasaaradda arrimaha guduhu waxay soo saartay war-saxaafadeed ay ku xaqiijinayso in xukuumaddu ay cafis u fidisay dhallinyaradii hub ka soo qaaday Buurta Gacan libaax, arrintu hadda way xiran tahay. ”

Todobaadkii hore ayay ahayd markii guddi odayaal dhaqameed ah ay heshiis wada gaareen dowladda iyo kooxaha mucaaradka, kaasoo lagu xaliyay khilaafkii mudada dheer ka taagnaa doorashada.

Asalka khilaafka siyaasadeed ee xukuumadda iyo mucaaradka ayaa salka ku haysay nidaamka doorashada ee ururada siyaasadda iyo doorashada madaxtooyada. Madaxweyne Biixi waxa uu ku dooday in doorashada ururrada siyaasadda laga horreeyo doorashada madaxtooyada, mawqifkaas oo mucaaridku ka biyo-diideen.

Si kastaba ha ahaatee, go’aanka muhiimka ah ee ay guddidu soo saartay ayaa ah in labada doorasho ee ururada siyaasadda iyo jagada Madaxweynaha la qabto isla maalintaas—gaar ahaan 13-ka November, 2024-ka.

Sidoo kale in si deg deg ah loo kala diro fallaagada dowladda ka soo horjeeda ayaa sidoo kale ka mid ahay shuruudaha ay aqbaleen mucaaradka, iyadoo dowladdu ay ballan qaaday inay cafis u fidin doonto.

Bulshada ay ka soo jeedaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, ayaa lagu amray inay bixiyaan magdhowga 10-ka askari ee looga dilay weerarada ka dhanka ah Ciidamada Dowladda, isla-markaana ay ku soo wareejiyaan hubkii iyo gaadiidkii ay ka qaateenDowladda.

Hogaamiye yaasha jabhada ayaa sheegay in ay hubka u qaateen in ay ka jawaabaan diidmada madaxweyne Muuse Biixi ee ku aadan in doorashada la qabto iyo in uu xoog ku muquuniyay dadka mudaharaadka dhigayay ee uu ku dalbanayay in doorashadu wakhtigeedii ku qabsoonto.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed