Somaliland iyo SSC Khaatumo oo wado dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo cabsi laga qabo in dagaal uu ku soo wajahan yahay gobolka

Xaalada cakiranan iyo xiisad ayaa laga soo warrinayaa  gobolka Sool ee SSC Khaatumo kadib markii ay cirka isku sii shareertay xiisada u dhaxeysa Somaliland iyo SSC-Khaatumo, iyadoo cabsi laga qabo in dagaal uu ku soo wajahan yahay gobolka.

Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada maamulka SSC-Khaatumo oo diiday in magaciisa la xigto ayaa daboolka ka qaaday in dhaq dhaqaaqii ugu dambeeyay ee ciidamada  SSC-Khaatumo ay muujinayeen inay diyaar u yihiin difaaca dhulkooda, sida uu yiri. Sarkaalkan ayaa iftiimiyay sida ay u garab istaageen iska hor imaadyadii hore ee ay la galeen ciidamada Somaliland, isagoo carabka ku dhuftay inay awood u leeyihiin inay iska caabiyaan weerarada iyo difaaca dhulkooda.

Mas’uulkan oo walaac ka muujiyay xaaladda, ayaa hoosta ka xariiqay in colaadda cusub ay horseedi doonto oo kaliya dhiig daata iyo xasillooni darro, isagoo ku baaqay in la xakameeyo, lagana wada-hadlo sidii colaadda si nabad ah lagu dhamayn lahaa.

Dhinaca kale, Somaliland ayaa la sheegay inay xoojisay ciidamadeeda ku sugan deegaanka Oog oo u dhaxaysa Burco iyo Laascaanood, iyadoo ay soo gaareen ciidamo dheeraad ah iyo saanad ciidan.

Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in ay kordhiyeen ciidamada la geynayo deegaanada istiraatiijiga ah oo ay ka mid yihiin Bukdhaarkeyn iyo Oog, taasi oo sii kordhisay walaaca laga qabo in rabshado ay ka dhacaan.

Beesha Caalamka ayaa loogu baaqay in ay soo farageliyaan oo ay fududeeyaan wadahadal dhexmara dhinacyada is haya si looga hortago in ay sii xumaato, loona ilaaliyo nabadda gobolka.

HBN NEWS DSESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed