Madax Hore oo Ka Hortimid Hadalkii Golaha Wadatasshiga Qaran iyo Digniin ay Soo Saareen

Madaxdii hore ee soo hoggamisay dawladda Faderaalka Soomaaliya oo ay ku jiraan Madaxweyne hore Sheekh Shariif, Gudoomiye hore ee Baarlamkaanka Shariif Xasan, Ra’iisul wasaarayaal hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre  iyo Siyaasiin ayaa ka hor yimid go’aamadii ay gaareen golaha Wadatashiga Qaran ee ku saasbanaa hannaaka wax ka beddelka doorashoyinka dalka oo ah qof iyo cod.

Masuuliyiintaan hore oo soo saaray Bayaan ayaa dhinac u riixay hadalkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya, kuwaas oo sheegsy in loo baahan yahay in laga hishiiyo arrinta ku aaadan hannnaakaan cuusb dibna loogu laabato, Madaxdan ayaa waxa ay kusifeeyen go’aanadaasi kuwa u horseedaya Soomaaliya halis weyn oo ay tahay in hada laga hortago.

Sidoo kale waxa ay Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqeen in ay gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee dalka looga badbaadinayo damac kasta oo aan u adeegayn danta guud iyo geeddi socodka dawlad dhiska Soomaaliya, iyaga oo ku tilmaamay mod horseedi kara khalalaaso siyaasadeed.

Ugu dambeeyn waxaa ay soo jeediyeen in  Dowladda Soomaaliya ay mudnaanta siiso dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, laguna dadaalo sidii dowladnimada loo gaarsiin lahaa dhulka laga xoreeyey.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed