Golaha Wadatashiga Qaran oo kulan xasaasi ku yeeshay Galmudug iyo qodobadii looga hadlay

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya  ayaa maanta ka dhacay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Galmudug, shirkaan ayaa looga hadlay arrimo xasaasi ah oo khuseeya xaaladda dalka/

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furay, Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada dalka.

Madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed ayaa shirkan kaga arrinasanaya xaaladda amniga dalka, dhameystirka howlgalada dib u xoreynta, xasilinta deegaanada laga saaray Khawaarijta iyo gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, ayaa lagu yiri bayaanka laga soo saaray kulankaas.

Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Madaxweynaha Galmudug  Madaxweynaha Jubbaland,  Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Hirshabeelle, iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir, dhammaantood waxaa ay soo jeediyeen in la dardar geliyo howlgallada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka, lana taageero si loo gaaro hannaanka wadajirka qah ee Al shabaab looga xorreeynaayo soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed