Shir xasaasi ah oo looga hadlay arrimaha amniga oo lagu soo gabagabeyay Galmudug xilli ay weli socoto ka bixitaanka Ciidamada ATMIS

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa  magaalada Dhuusamareeb ku soo xiray shirka wadatashiga amniga, kaasoo soconayay muddo laba maalmood ah.

Shirkan ayaa dhaxeeya Wasiirada Amniga Gudaha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada iyo Taliska Booliska, kaasi oo looga hadlay arrimaha ammaanka, xilli ay weli socoto ka bixitaanka Ciidamada ATMIS-ta, waxana laga hadlayaa in la iskudubba rido ciidamadii lagu wareejin lahaa goobaha ay ka baxayaan ciidamada shisheeye.

Wasiir Amniga Gudaha  (Fartaag) oo xiritaanka shirkan ka hadlay ayaa sheegay in fadhigan uu muhiim u ahay amniga dalka iyo nabad-gelyada guud ahaan Soomaaliya, isla markaana wax badan ka tari doono xaaladda kala guurka ah.

Sidoo kale madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Ciid ayaa dhankiisa bogaadiyay guusha shirka, isaga oo xusay in Galmudug ay tahay goob muhiim ah oo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah uu ka socdo.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb-gelin maamulka Puntland oo khilaaf siyaasadeed kala dhaxeyso dowladda federaalka Soomaaliya, islamarkaana hoos joojisay la macaamilkii hay’addaha dowladda.

Ka bixitaanka guud ee ciidamada ATMIS ayaa lagu wadaa in uu dhamaado sanadka 2024-ka, taasi oo soo gabagabeyn doonta howlgalkooda oo soo bilowday sanadkii 2007-dii. Taas beddelkeeda Soomaaliya ayaa si weyn iskugu diyaarineyso in ay hanato amnigeeda, xilli shirka la socdo Galmudug laga soo saari doono qorsho dhammeystiran.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed