Shir Muhiim ah Oo Jubbaland Uga Furmaya Wasiirrada Gargaarka

Waxaa maanta lagu wadaa in uu Shir u furmo  Wasiirrada heer Faderaal iyo heer dolwada-goboleed magaalada Kismaayo shirkaan ayaa ah mid xasaasi ah oo arrimo badan lagu lafaguri doono inta uu soconayo.

Shirka ‘Madasha Arrimaha gargaarka’ ayay Wasiiiradu isaga xog-wareysanayaan saameynta taban ay reebeen Abaaraha, fatahaadaha, colaadda iyo daadadda roobka ka dhashay si wadajir wax looga qabto dhibaatooyinkaas.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ee SODMA Maxamuud Macalin Cabdulle oo safar ku tagay Magaalada Kismaayo ayaa kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Labada Masuul ayaa is dhaafsaday macluumaad ku saabsan arrimaha bani aadamnimo ee Dalka gaar ahaan deegaannada DG Jubbaland, qorsheynta gurmad Hay’adda SODMO siiso qoysaska barakacayaasha iyo  dedaallada kale ee loo baahan yahay.

War kasoo baxay Madaxtooyada DG Jubbaland ayaa lagu sheegay in Wasiirrada Wasaaradaha Maareynta Musiibooyinka ay dul istaagi doonaan, xaaladaha bani aadanimo ee ka jira dalka gaar deegaannada maamulkaasi. Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa sheegtay in ay garab istaageyso Dadka u baahan gargaa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed