Shil gaari oo sababay dhimasho oo ka dhacay Somaliland

Shil gaari oo ka dhacay Somaliland ayaa sababay dhimashada labo ruux oo dhalinayaro ah kuwaas si weyn looga hadal hayo deegaannada mamaulkaas.

Dhallinyaradan ayaa lagu kala magacabaa Ciyaaryahan Cabdishakuur Boqolle iyo Cabdiraxmaan Yaasiiin oo ahaa maamulihii guud ee Garoonka Cali Gadhle.

Marxuum Cabdishakuur Boqolle ayaa ahaa gool-hayihii kooxda Wasaaradday Maaliyadda Hargeysa, Boqolle ayaa hore u soo matalay kooxo ka tirsan gobolka Togdheer.

Shilkaan ayaa ka dhacay meel u dhaw Tuulada Gololeey degmada Sheekh ee gobolka Saaxil.

Muddooyinkii dambe waxa ku soo badanayay Somaliland shilal gawaarida, waxana loo sababeyaa waddooyinka oo burrbursan iyo gadiidka oo lagu wado xawaare sare.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed