Shiinaha oo deeq lacageed oo ku wareejiyay Soomaaliya isla markaana laga bixiyay faaf faahin ujeedkeeda

Dowladda Soomaaliya oo deeq lacageed kala wareegtay dowladda Shiinaha oo loogu talagalay arrimaha bini aadanimo ee ka jira dalka, isla markaana loogu talagalay in lagu taageero dadka Soomaaliyeed ee wajahaya dhibatooyinka kala duwan.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA  Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta waxa uu Dowladda Shiinaha kala wareegay lacag dhan 1,000,000 oo Dollar, taas oo ay uga qaybqadanayaan gurmadka loo sameenayo dadka ay samaayeen xalaadaha adag ee ay sababtay El-Niño.

Lacagtaan ayaa dowladda Shiinaha waxa ay ugu talagashay in lagu daabulo Raashin ay dhawaan dalka keeni doonto si dadka tabaalaysan loo gaarsiiyo.

Deeqdaan lacagta ah waxaa Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ku wareejiyey Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaliya SaH.E Fei Shengchao.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed