Taliyihii Ururka 3-aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee Daraawiishta Gobolka Shabeellaha Dhexe, C/qaadir Maxamed Xaashi oo ku magac dheeraa Juuqlaawe, ayaa ku dhintay dagaal beeleed saaka ka dhacay deegaanka Xaaji Cali ee Degmada Cadale.
Juuqlaawe iyo ciidamadii uu hogaaminayay ayaa u baxay inay soo kala dhex galaan, waxaana ay ku howlanaayeen waan waan nabadeed oo dhex mara maleeshiyo beeleed ku wada dagaalamay deegaanka Cadale, balse uu ku dhintay dib u heshiisiin sida ay sheegeen ilo wareedyo kala duwan oo ku dhow dhow.
Taliye ku xigeenka 2-aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Zakiya Xuseen ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebook ku sheegtay in Cabdulqaadir Maxamed Xaashi Juuqlaawe uu ahaa shaqsi muhiim ah oo naftiisa qaaliga ah ku waayay wada hadal dhex mara labo maleeshiyo beeleed.
Booliska Soomaaliya ayaa dhawaan ciidamo Booliis ah u diray gobolka Shabeelaha Dhexe ee maamulka Hir-Shabeelle si ay u soo farageliyaan oo ay wada hadal u dhex dhigaan maleeshiyo beeleed dhowr jeer ku dagaalamay lahuna sameeyo hubna ka dhigis.
HBN NEWS DESK