Sargaal sare oo ka tirsan ciidanka Booliiska oo lagu dilay Muqdisho iyo suaalo ka dashay

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in xl kooxo hubeysan ay toogasho ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Cumar Axmed oo loo yaqaanay Aadan Biit, waxaana la sheegay in lagu dilay Maqaayad ku dhow Iskuul Polizia oo ka mid ah meelaha sida aadka ah loo ilaaliyo.

Dilka sarkaalka ayaa waxaa geystay nin bastoolad ku hubeysan oo aan heybtiisa la aqoonsan, kaasi oo dhowr xabadood ku dhuftay marxuumka isla markiibana goobta ka baxsaday.

Ciidamada ammaanka ayaa isla markiiba gaaray goobta lagu dilay sarkaalka, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano, balse ma jirto cid ilaa iyo hadda loo soo qabtay dilkaasi.

Dilka sarkaalkan ayaa dhaliyay su’aalo dhowr ah oo ku saabsan sida nin hubeysan uu askari boolis ah ugu dilay agagaarka Iskool Polizia oo ammaankeeda si weyn loo ilaaliyo, kadibna uu goobta ka baxsaday dilka kadib.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed