Taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle, madaxa hoggaanka howl-gelinta, G/Dhexe Cali Aadan iyo Taliyaha Guutada 14-ka October G/Dhexe Nuur Maxamed Gaabow ayaa gaaray deegaanka Bariire ee gobalka Shabeellada Hoose.
Saraakiisha ayaa kormeeray fariisimaha kala duwan ee ciidanka xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Bariire, waxayna saraakiisha iyo ciidanka halkaas jooga siiyeen xoojinta howlgallada ka dhanka ah Al shabaab.
Taliye Dayax Cabdi oo goob fagaare ah kula hadlay ciidanka xoogga dalka ee Bariire ku sugan ayaa sheegay in markaan loo baahan yahay is bedel wayn oo ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu ka keeno furimaha dagaalka.
Taliyaha ayaa dhanka kale kormeeray xeryaha ciidamada ATMIS ee deegaanka Bariire, shir saacad qaatay oo halkaas ka dhacayna waxaa lagu gorfeeyay ka qayb noqoshada ATMIS ee dagaalka dalka looga xoreynayo Al shabaab.
HBN NEWS DESK