Saraakiil Itoobiyaan ah oo soo gaaray magaalada hargeysa iyo xogo laga helay

Saraakiil Itoobiyaan ah ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland, kuwaas oo halkaas lagu soo dhaweeyay, kulana la yeeshay masuuuliyiin ka tirsan xukuumadda, isla markaana ka wada hadlay arrimo kala duwan.

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Rooble Muuse Cabdi ayaa ku qaabilay waftigaan  ka socday Itoobiya oo ay weheliyaan saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidamada Itoobiya, inkastoo aanan la helin faah faahin dhammeystiran ee ku aaddan kulankaas.

Balse waxaa diirada lagu saaray oo looga hadlay dhinacyada Iskaashiga amniga, iyo sii xoojinta Xiriirka Somaliland iyo Itoobiya, sida lagu baahiyay qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Somaliland.

Sidoo kale ilo-xog-ogaal ah ayaa sheegaya in madasha fadhiga lagu soo hadal qaaday dhammeystirka hishiiskii is-af-garadka ahaay ee ay horraantii Janaayo kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, isla markaana laga yeeshay dood dheer, oo dhinacyadu falanqeyn ku sameeyeen, wallow warbaahinta aanan lala wadaagin ujeedka rasmiga ah ee kulankaas.

Kulankan ayaa imaanaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu xumaaday taniyo markii Itoobiya ay ku dhawaaqday in Somaliland ay ka dooneyso marin badeed Badda Cas ah ee laga dhisayo saldhig ciidan iyo dekad ganacsi, tallabadaas ayaa waxaa ka carootay xukuumadda Soomaaliya, taasoo ku tilmaamtay xad-gudub ka dhana ah madax-bannaanideed dhuleed.

 

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed