Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya oo ka digay khatarta Xuutiyiinta ee ku wajahan marinnada Maraakiibta Badda Cas kaasoo sheegay in ay dhibaato ku tahay Soomaaliya

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jabriil Ibraahim Cabdulle, ayaa muujiyay sida ay Soomaaliya uga walaacsan tahay halista weerarada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah maraakiibta ku sugan badda cas, isagoo carabka ku adkeeyay saameynta ballaaran ee ay ku yeelan karto Soomaaliya iyo ammaanka gobolka.

Safiirka oo wareysi siiyay wargeyska todobaadlaha ah ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa sheegay in weerarada Xuutiyiinta ay saameyn xun ku yeelan doonaan dhaqaalaha Soomaaliya, isagoo walaac ka muujiyay tallaabooyinkaas.

Si kastaba ha ahaatee, Safiirka ayaa carabka ku adkeeyay in faragelinta Itoobiya ee Soomaaliya aysan ahayn tan kaliya ee looga hortagi karo halista Xuutiyiinta.

Khilaaf diblumaasiyadeed ayaa ka dhex qarxay Itoobiya iyo Soomaaliya ka dib markii Itoobiya ay heshiis la gashay Somaliland-ta go’day January 2024. Heshiiskaas ayaa u oggolaaday dalkan aan badda lahayn ee Itoobiya in 20 km bad ah uu ka helo gobolka Awdal, isla markaana ku yeelanayo saldhig ciidan iyo dekad ganacsi.

Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si adag u sheegay in dalkiisu is difaaci doono, haddii Itoobiya ay fuliso heshiiskii Saldhigga Millatari ee Somaliland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed