Safiirka Kenya oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Madaxweynaha Soomaaliya, una ballan qaaday wadashaqeyn

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjiranimo kaga guddoomay danjiraha Kenya ee Soomaaliya, Cyprian Kubai Iringo, oo booqasho ku jooga Muqdisho.

Danjire Cyprian Kubai ayaa soo gaarsiiyay salaan iyo dhambaal uu ka siday madaxweynaha Kenya William Ruto oo ku socday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Wuxuu sheegay inay ka go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay iskaashiga Soomaaliya iyo Kenya oo ku saleysan danaha labada dowladood iyo kuwa gobolka.

Xiriirka labada dal ee jaarka ah ayaa soo hagaagayay tan iyo markii Maxamuud loo doortay madaxweynaha dalka 2022. Labada Madaxweyne ayaa dhawaan horumar ka sameeyay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo siyaasadda iyo wax ka qabashada caqabadaha soo galootiga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed