Saciid Cabdullaahi Deni oo si xasaasi ah uga hadlay khilaafka ka taagan arrimaha doorashooyinka Puntland

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay arrimaha cakiran ee doorashooyinka maamulkaas, kaas oo waresi siiyay warbaahinta gudaha, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in loo gudbo doorasho qof iyo cod ah. Deni ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay in uu ka gudbo caqabadaha la xiriira Doorashooyinka dadban ee jira, kuwaas oo la kulmay dhaleecayn daba dheeraatay, sida uu hadalkiisa ku sheegay

Waxa uu sheegay in haddii aan maanta la hirgelin nidaamkan dimoqraadiyadeed ay halis gelin karto kalsoonida bulshada, isagoo caddeeyay in loo baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo sidii loo gaari lahaa yoolkan muhiimka ah.

Madaxweynaha ayaa iska fogeeyay eedeymaha uga imaanaya mucaaradka oo ku aadan inuu damacsan yahay inuu muddo kororsi ku sameeyo xafiiska, isagoo ka hor yimid arrintaas. Deni ayaa caddeeyay in uu diiradda saarayo sidii loo heli lahaa hannaan doorasho oo hufan, wuxuuna ku booriyay in la iska kaashado sidii loo gaari lahaa yoolkaas.

Muranka ka dhashay xilliga doorashada ayaa sare u qaaday xiisadda ka dhex aloosan maamul goboleedka Puntland. Mucaaradku waxay ku doodayaan in muddo kordhin ay ku hoos duugan tahay doorashada qof iyo codk ah dhowr jeer. Xaaladda ayaa weli ah mid kacsan, iyadoo labada dhinacba ay soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan habka ugu wanaagsan ee doorashada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed