Dalka Ruushka ayaa dacwad ku soo oogay raggii lagu eedeeyay werarkii khasaaraha badan dhaliyay ee ay ku dhinteen ku dhawaad 140 ruux xaflad ka socotay dalkaas, raggan ayaa gaaray ilaa 4 ruux.
Afarta nin ee looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxdii weerar toogashada ah ka fulisay goob riwaayad ay ka socotay oo ku taal magaalada Mascow, raggan oo lagu soo bandhigay warbaahinta ayaa qaarkood waxaa ka muuqday jirdil xooggan iyo daawacyo.
Raggan ayaa lagu soo oogay fal-dambiyeedka weerarkaan. Maxkamada ayaa sheegtay in labo ay qirteen dambiga loo heysto.
Guud ahaan dalka Ruushka waxaa ka socoto baroor diiq ballaaran oo loo dhigayo dadkii la laayay. Ila iyo hadda tirade dhimashada ayaan si rasmi ah loo sheegin, maadaama wali maydad laga baarayo gudaha hoolka.
HBN NEWS DESK