Roobab Ka Da’ay Puntland oo Dumiyay Buundooyin Dhawaan La Dhisay.

Roobab xooggan ka da’ay gobolka Nugaal  ayaa jaray buundooyin dhawaan la dhisay kuwaas oo  u dhexeeya tuulada Xaaji Khayr iyo degmada Dangoroyo ee gbolka Nugaal.

Tuubooyinkan ayaa ah kuwo yaryar oo ciriir ku oo loogu tala galay in biyuhu ka gudbaan xilliyada ay da’aan roobabka xooggan ee sababa fatahaadda, balse middaas ka suurta galin oo dhammaan biyihii ayaa goostay.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhawaan ka jaray xarriga buundooyinkaan balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in aanan sifiican loo dhisin, lacagta lagu dhisay ayaa la sheegay in Canshuur dheeraad ah dadka laga qaaday.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed