Roobab aan caadi ahayn ka da’ay dalka Pakistan oo dilay Daraasiin dad ah

Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhintay Pakistan ka dib markii maalmo ay roobab aan caadi ahayn ay ku dhufteen koonfur-galbeed ee dalkaas.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah beeraley ay danab ku dhacday xilli ay guranayeen qamadi, sida ay sheegeen saraakiisha.

Sawirrada online-ka ah ayaa muujinaya dhul-beereed ballaaran oo ay qariyeen biyaha roobka. Daadad xooggan ayaa sidoo kale hakad galiyay sahayda korontada iyo isku xirnaanta gaadiidka.

Pakistan waxa ay la kulantay koror ku yimid dhacdooyinka cimilo xumada iyada oo la daalaa dhacaysa saamaynta isbedelka cimilada.

Sannadkii 2022-kii, qeybo ka mid ah dalka waxaa gabi ahaanba hareeyay daadad aan horay loo arag, kuwaas oo dilay in ka badan 1,700 oo qof, kumanaan kalena ay ku dhaawacmeen. Malaayiin qof ayaa guri la’aan iyo biyo nadiif ah la’aan ku noqday muddo bilo ah.

Qaar ka mid ah meelaha ay saameeyeen daadadka 2022, oo ay ku jiraan Khyber Pakhtunkhwa iyo Balochistan, ayaa waxaa mar kale saameeyay duufaanadii dhawaa.

Gobolka ugu dadka badan Pakistan ee Punjab ayaa la sheegay in dhimashadu ugu badan tahay ilaa hadda, iyadoo 21 qof ay ku dhinteen danab intii u dhaxaysay Jimcihii iyo Axaddii, wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay.

Ugu yaraan siddeed ayaa ku dhinteen   galbeedka gobolka Balochistan, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, halkaas oo maamulku ku dhawaaqay xaalad degdeg ah. Iskuulada ku yaal gobolka ayaa lagu amray in la xiro maalmaha Isniinta iyo Talaadada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed