Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac, ayaa sheegay in Itoobiya ay si cad ugu xad gudubtay madax banaanida dalka, isla markaana ay iska indha tirtay shuruucda caalamiga ah, iyadoo ujeedadu tahay inay ka dhabeyso hammigeeda liidata ee ku aadan heshiiska badda.
Talaabada uu ku dhawaaqay Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed ee ku saabsan heshiiska dekedaha ee uu la galay Somaliland waa mid meel ka dhac ku ah qarannimada iyo midnimada Soomaaliya, waxaanu heshiiskaas sharci darada ah ku tilmaamay mid taariikhda Itoobiya bog madow ku leh, sida uu yiri Saalax Axmed Jaamac.
Heshiiskan ayaa u ogolaanaya Itoobiya oo aan bad lahayn inay 20 km (12 mayl) ka kiraysato dekedda gobola Awdal, oo ku taal gacanka cadmeed ee marin u ah badda cas, muddo 50 sano ah, iyada oo loo eegayo ujeeddooyinkeeda badda iyo ganacsiga.
Wareysi uu siiyay Telefishinka Aljazeera, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Saalax Axmed Jaamac, ayaa tilmaamay dadaallada Dowladda Federaalka ay wado, maadaama ay soo saartay baaqyo kala duwan, cabashooyin ay u gudbiyeen Qaramada Midoobay, IGAD, Midowga Afrika iyo dalalka caalamka, Ka warbixinta xadgudubka cad ee Itoobiya.
Heshiiska ayaa xiisad ka abuuray Geeska Afrika, iyadoo Midowga Afrika, Mareykanka, Midowga Yurub iyo Jaamacadda Carabta ay ku baaqeen in la dejiyo, lana ixtiraamo madax banaanida Soomaaliya.
Madaxda dawladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa marar badan ku cel-celiyay in heshiiska dekedaha Somaliland iyo Itoobiya uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana aanu socon doonin. Waxay ka dalbadeen Addis Ababa inay liqdo himilooyinkeeda liita ee aan ifka arki doonin.
HBN NEWS DESK