Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shir isugu yeeray Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, kadib markii ay soo gaba gabeeyeen shirkii madasha wadatashiga ee Muqdisho.
Shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ay isugu yimaadeen Wasiirada Arrimaha Gudaha ee dowladda iyo dowlad goboleedyada oo uu shir guddoominayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Fiqi, ayaa waxaa ka soo qeyb galay, Agaasimayaasha Guud ee Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Wakiilo ka socday Maamulka KMG ah ee SSC. Khaatumo, Gobolka Banaadir, iyo khubaro kale.
Wasiirada heer federaal iyo heer maamul goboleed ayaa intii ay madashaasi socotay heshiisyo ku gaaray heshiisyo ay ka mid yihiin in la sameeyo sanduuq loogu talagalay horumarinta dowladaha hoose ee dalka, in la qaato hanaanka doorasho hal qof iyo cod ah ee hanaanka qaran ee dowladaha hoose, iyo halbeegyada sharciyada lagu maamulayo dowladaha hoose.
Kulanka uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa uu kula dar daarmay Wasiirada Dowlad Goboleedyada in ay dhaqan geliyaan qodobadii lagu heshiiyey ee ka soo baxay shirka Madasha oo socday muddo saddex maalmood ah, wuxuuna ballan qaaday in dowladdiisa ay ka go’an tahay fulinta qodobbadii lagu heshiiyay.
HBN NEWS DESK