Kulan muhiim ah oo ay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre iyo Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, Charles Mballa, ayaa looga hadlay arrimaha muhiimka ah ee soo wajaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha. dalka.
Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR ayaa si qoto dheer uga wada hadlay sidii howlaha gargaarka bini’aadantinimo ee hadda socda loogu beddeli lahaa mashaariic horumarineed oo mustaqbalka fog ah. Isbadalkan istaraatiijiyadeed wuxuu ujeedkiisu yahay in xal waara loo helo caqabadaha horseeda barakaca, halkii wax laga qaban lahaa oo keliya baahiyaha degdegga ah ee kuwa ay saameeyeen.
RW Xamza oo ku nuux-nuux saday qodobbada mudnaanta u leh dowladda, ayaa ka dhawaajiyay muhiimadda ay leedahay in la is waafajiyo howlaha hay’adda iyo tabashooyinkan, gaar ahaan xilli-roobaadka soo socda. Saamaynta cimilada iyo isbeddellada xilliyeedku waa khataro dheeraad ah oo ku wajahan dadka nugul, taas u baahan in diiradda la saaro iyo iskaashi.
Dhankiisa Charles Mballa ayaa u xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha in UNHCR ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya. Iskaashigan ayaa la filayaa in uu xaqiijiyo in si hufan loo wajaho arrimaha mudnaanta leh ee la isla gartay.
HBN NEWS DESK