Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo ka jawaabayay Weerarkii Argagixiso ee dhawaan lagu qaaday Hotelka SYL ee Magaalada Muqdisho, ayaa kulan deg deg ah oo looga hadlayay amniga hey’adaha ammaanka.
Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen saraakiil muhiim ah oo dhanka amniga ah iyo wakiilo ka socday dowladda ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo qiimeyn lahaa ammaanka caasimadda, iyo sidii looga hortagi lahaa weeraro argagixiso oo mustaqbalka dhici kara, sida ay sheegeen ilo xog ogaal ah.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiiru Dowlaha Amniga Gudaha, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Saraakiil Ciidan, Saraakiil Boolis, Taliyayaasha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Duqa Muqdisho.
Kulanka ayaa lagu muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha amniga iyo sugidda amniga muwaadiniinta iyo dadka soo booqda.
Intii uu kulanka socday ayaa Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre waxa uu warbixin ka dhageystay weerarkii Hotel SYL iyo saameynta uu ku yeelan karo ammaanka Muqdisho. Wuxuu ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay feejignaanta, wuxuuna faray dhammaan hay’adaha amniga inay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si kor loogu qaado hab-maamuuska amniga, loogana hortago khataraha argagixisada.
Baaqa Ra’iisul Wasaaraha ee ku aadan in la adkeeyo amniga, ayaa imaanaya xilli weerarkii Hotelka SYL ee lagu beegsaday mas’uuliyiin ka tirsan dowladda uu ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Qodobada ka soo baxay kulanka amniga ayaa la filayaa in ay horseed u noqdaan isku xirka hay’adaha amniga, kor u qaadista roondada, iyo in bisha Ramadaan laga fuliyo guud ahaan magaalada Muqdisho tallaabooyin adag oo lagu sugayo amniga.
HBN NEWS DESK