Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo isku shaandheyn ku sameeyay Golaha Wasiirada, isla markaana magacaabay Wasiiro cusub

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta oo Axad ah magacaabay xubno cusub oo ay ka mid yihiin Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, iyo Arrimaha Dibadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Axmed Macalin Fiqi u magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga. Fiqi ayaa horay usoo noqday wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda.

Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Hoose ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Amniga  Gudaha Gen. C/llaahi Sheekh Ismaaciil Farataag iyo Wasiirka Tamarta iyo Biyaha C/llaahi Bidhaan Warsame ayaa sidoo kale loo magacaabay.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa Maxamed Aadan Macalin u magacaabay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka, halka Axmed Cumar Maxamed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Deegaanka iyo Isbadalka Cimilada.

Magacaabistan ayaa ku soo beegantay iyadoo maalmo ka hor Golaha Wasiirada Xukuumada Soomaaliya ay dib u magacaabeen C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA, iyadoo shirka todobaadlaha ah uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Agaasimaha cusub ee loo magacaabay C/llaahi Sanbaloolshe ayaa horay labo jeer soo qabtay xilka Agaasimaha Hay’adda NISA, isagoo sidoo kale soo qabtay xilal kale oo ay ka mid yihiin Wasiir iyo Safiir.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed