Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ayaa xafiiska ku qaabilay Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan, waxana ay kawada hadleen Howlgalka AUSSOM iyo taageerada doorashada qof iyo cod.
Kulanka labada masuul ayaa looga hadlay wada shaqeynta dowladda iyo hey’adaha Qaramada Midoobay, teegaarada qorshaha dowladda ee doorashooyinka qof iyo cod, taasi oo ay dooneyso in dalka laga qabto.
Sidoo kale, kulanka ayaa intii uu socday waxaa carrabka lagu dhuftay hawlgalka cusub ee Midowga Afrika AUSOM ee dhawaan ka billawday Soomaaliya, wallow aan warbaahinta loo soo bandhin waxa la isku af gartay.
Geesta kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay tallaabooyinka ay dowladdu u qaaday dhinacyada dimuqraadiyeynta, horumarka iyo dowlad-dhiska Soomaaliya, isaga oo uga mahadceliyey taageerada xafiiska Qaramada Midoobay ee ku aaddan dowladda Soomaaliya.
HBN ONLINE TV