Ra’iisul Wasaaraha oo wacad ku maray inaana lagu laaban doonin Teendhadii Afisyooni isla markaana ay qaban doonaan doorasho qof iyo cod ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda ay mudnaanta siinayso hirgelinta dhab-u-heshiisiin loo dhan yahay, taas oo horseedda in shacabka Soomaaliyeed ay ka dawoobaan haarihii iyo dhibaatooyinkii soo kala gaaray wakhtiyadii adkaa ee dalku soo maray.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa caddeeyey in Xukuumadd ay ka go’an tahay in dalka ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah, oo dadweynaha Soomaaliyeed ay ku soo doortaan hoggaankooda.

“Annaga ma qarineyno beenna kama sheegayno, way noo caddahay waana ku shaqeynaynaa mar kale in aanaan ku laaban doorashadii teendhada, qofkii raba in aan ku sii soconno ha ogaado waagii dhaweyd halistii aan galnay, masuuliyadda na saaran ayaa na faraysa in aanaan ku laaban wixii la soo maray”.

Ra’iisul Wasaaraha oo Daahfurka Geeddi socodka hirgelinta Hannaanka dhab-u-heshiin Qaran, oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay dhaqan soo jireen ah u leedahay nabadeynta iyo xakamaynta colaadaha sokeeye, iyada oo ay hormuud u yihiin culimada, nabaddoonnada dhaqanka iyo haldoorka bulshada.

Si kastaba, hadalkaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo dowladdu horay u sheegtay in dalkaan ay ka qabaneyso doorasho qof iyo cod ah taasoo la xiriirta wax ka beddelka dastuurka, balse madax hore, siyaasiyiin iyo maamulka Puntland ayaa arrintaas gaashaanka u daruuray oo diiday.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed