Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliy oo kulan muhiim ah la yeeshay wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowladda ee Ingiriiska

Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Soomaaliya  Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay  wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Dowladda Britain oo uu hoggaaminayey Xoghayaha Joogtada ah ee Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Sir Philip Barton.

Wadahadalka labada dhinac ayaa ku saabsanaa sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka xooggan ee labada dhinac ee Soomaaliya iyo UK.

Kulanka ayaa waxay labada dhinac kaga wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga faca-weyn ee ay wadaagaan Soomaaliya iyo UK, iyadoo Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyey Dowladda UK kaalinta ay ka qaadato dib-u-soo kabashada dowladnimada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, isbeddelka cimillada iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Dhankooda, wafdiga Philip Barton ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda soo dhaweynta diirran, iyagoo muujiyey sida ay u bogaadinayaan guulaha wax-ku-oolka ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay gaareen muddadii la soo dhaafay.

UK ayaa kamid ah dalalka Soomaaliya ka taageero tababarida ciidamada,  saannada ciidanka, arrimaha ammaanka, miisaaniyadda iyo dhaqaalaha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed