Ra’iisul Wasaaraha oo kormeeray mashruuc muuhiim ah ka socda inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo kormeer ku tagay degmada Balcad ayaa u kuur-galayay mashruuca wajiga saddexaad ee dhismaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlay faa’iidada ay leedahay wadadan ayaa ku nuux-nuux saday in ay muhiim tahay in ay kor u qaaddo isu socodka gaadiidka, kobaca ganacsiga gobolka iyo kobcinta dhaqaalaha oo ka dhasha isu socodka badeecadaha iyo dadka.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, oo injineerka ka dhageystay warbixin faah faahsan oo ku saabsan halka ay mareyso wajiga saddexaad ee dhismaha wadada, ayaa uga mahad celiyay dowladda Qatar oo mashruucan maalgelisay, iyo injineeradii iyo shaqaalihii u soo huray noloshooda si ay wadada u dhistaan.

Xamsa ayaa waxaa ku wehlinaayay wafdi ay ka mid yihiin Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Safiirka Qatar iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda. Mashruucan ayaa ka kooban saddex qaybood oo lagu dhisayo waddooyinka isku xira Muqdisho-Afgooye, Muqdisho-Balcad iyo Balcad-Jowhar, iyadoo la dhameystiray labadii waji ee hore ee isku xira Muqdisho-Balcad iyo Muqdisho-Afgooye.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed