Ra’iisala Wasaaraha Soomaaliya oo Qaabilay Danjiraha Denmark.

 Muqdisho (Hbnonlinetv)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa  la kulmay Danjiraha dowladda Denmark u joogo Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.

Kulankaan ayaa looga hadlay arrimo kala duwan oo quseya danaha labada dal ee Soomaaliya iyo Denmark, qoddobada la soo hadal qaaday waxaa kamid ah: Xoojinta Xiriirka labada dowladda, Wadda shaqeeynta, iyo Sidii loo ballaarin lahaa taageerida dowladda Denmark ay siiso Soomaaaliya, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta iyo Dib-u-heshiisiinta.

Mudane Xamse ayaa uga mahadceliyey Dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa adkeeyey Danjire Steen Sonne Andersen in ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed