Safiirka UK oo Garoowe kula kulmay madaxweyne Deni, xilli beesha caalamku dadaal la isku horkeenayo dowladda & mucaaradka

Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa magaalada Garoowe kula kulmay Safiirka UK ee Soomaaliya, Charles King, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka oo ay ka qaybgaleen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Puntland ayaa la sheegay in looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan amniga, siyaasadda iyo iskaashiga horumarinta.

Sidoo kale, waxaa diiradda la saaray howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka socda deegaannada Puntland.

Kulankan ayaa imanaya xilli beesha caalamku waddo dadaallo lagu doonayo in dib la isugu soo dhaweeyo madaxda dowladda federaalka iyo mucaaradka, kaddib markii uu fashil ku dhammaaday wada-hadalkii lagu waday inuu Sabtidii todobaadkan Muqdisho ka furmo.

Dowladda ayaa weli ku adkeysanaysa in wada-hadal la qabto, halka mucaaradku dalbanayaan dammaanad siyaasadeed iyo dhex-dhexaadin caalami ah.

Khilaafka ugu weyn ayaa salka ku haya kalsooni-darrada dhinacyada iyo hannaanka loo wajahayo wada-hadallada. Arrimaha ugu waaweyn ee la doonayo in laga heshiiyo waxaa ka mid ah doorashada dalka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Fashilka wada-hadallada ayaa sii kordhinaya hubanti la’aanta siyaasadeed, iyadoo aan weli la gaarin heshiis mideeya dowladda iyo mucaaradka.

Shalay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhaliilo culus u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka ah, isagoo ku eedeeyay inay taageero iyo dhexdhexaadin ka raadsadeen sida uu hadalka u dhigay dhinacyo shisheeye.  Wuxuu ugu baaqay inay ku soo laabtaan miiska wada-hadallada si xal Soomaaliyeed looga gaaro khilaafaadka jira.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed