Milateriga Soomaaliya oo xog ka bixiyey howlgal lagu dilay horjoogayaal Al-Shabaab ah Daynuunaay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay caawa in howlgal qorsheysan oo laga fuliyay deegaanka Daaynuunaay ee gobolka Baay lagu dilay horjoogayaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Howlgalka oo aan faahfaahin dheer laga bixin ayaa la tilmaamay in lagu burburiyay 3 gaari oo ay kooxda adeegsanaysay, kuwaas oo uu ku jiray gaari loo diyaariyay fulinta qaraxyada.

Sida oo kale, taliska Ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay inay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed