MUQDISHO: Rag lagu eedeeyey in maanta dileen askari ka mid ahaa ciidamada Dowladda oo si la yaableh shacab u qabteen

Laba nin oo watay mooto nooca labada lugood leh eeFekon-ta ah ayaa maanta xaafadda Xamar Jadiid ee degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho ku dilay askari dharcad ah oo ka howlgalayay xaafaddaasi.

Raggam ayaa la sheegay inay askariga ku rasaaseeyeen bastoolad, gaar ahaan madaxa, kadibna isku dayeen inay goobta ka baxsadaan, Hase yeeshee, shacabka deegaanka ayaa ka hortagay baxsashadooda, iyagoo gacanta ku dhigay labada nin kaddib markii rasaastii ay rideen ka dhammaat.

Wararka ayaa sheegaya in ragga la qabtay ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, inkasta oo aan weli faahfaahin rasmi ah laga bixin dhacdada.

Hay’adda ammaanka oo goobta tagay ayaa lagu wareejiyey labada nin, iyada oo laga sugayo in xogta dilka iyo sida falkan loola falgalay.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed