Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa lagu wadaa in bisha soo socota uu booqasho rasmi ah ku tago dalka Kenya, sida uu xaqiijiyay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Kenya, Korir SingOei. Booqashadan ayaa ka dhigan tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal ee deriska ah.
Kulanka uu la qaatay wafdiga ka socday xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, xoghayaha guud ee golaha wasiirada arrimaha dibadda Kenya Singoei ayaa ku nuux nuuxsaday iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, isagoo carabka ku adkeeyay in ay ka go’an tahay in ay sare u qaadaan xasiloonida gobolka iyo sidii loo heli lahaa.
“Booqashadan waxa ay hoosta ka xariiqday xiriirka xooggan ee wanaagsan ee ka dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, waxaa naga go’an in aan ka wada shaqeyno barwaaqada guud ee dadkeena” ayuu yiri xoghayaha arrimaha dibadda PS-ta Singoei.
Booqashada Ra’iisul Wasaare Xamze ee Nairobi ayaa noqoneysa tii ugu horreysay tan iyo markii uu xafiiska la wareegay 25-kii June 2022. Ajendaha safarka ayaa ah dib u eegis iyo kor u qaadida iskaashiga dhinacyada kala duwan, sida dadaallada wadajirka ah ee amniga, difaaca, duulista, ganacsiga iyo maalgashiga, sidoo kale, sida dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo heerarka tacliinta sare ee labada dal.
Waxaa xusid gaar ah mudan heshiiska ganacsi ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya ee ku saabsan dhoofinta qaadka. Wasiirka Beeraha ee dalka Kenya ayaa dhawaan sheegay in bisha soo socota ee May la soo gebagebayn doono heshiis ganacsi oo cusub, kaas oo muujinaya dadaallada socda ee lagu xoojinayo xiriirka dhaqaale iyo horumarinta ganacsiga faa’iidada u leh labada dal.
HBN NEWA DESK