Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo kulan xasaasi ah la yeeshay Golaha Wasiirada kaasoo faray tallaabooyin cusub

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyay

Shirkaan oo ahay mid xasaasi ah ayaa waxaa shir guddoonniya Ra’iisal Wasaaraha Soomaaaliya Xamsa Cabdi Barre, isla markaanna ay ka soo qeyb galeen  golaha wasiirada, kaas oo looga hadlay arrimo ku aadan Isbeddelka Cimilada Adduunka.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa diiradda lagu saaray qorshaha Qaran ee hortagga dhibaatooyinka ay dalka ee ku sababeen Isbeddelka Cimillada Adduunka.

Sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira saameynta kala duwan ee isbeddelka cimilladu ay ku yeelatay Soomaaliya iyo heerka uu marayo qorshaha dalka ee la qabsiga isbeddelka cimillada.

Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sharraxay ujeedada shirkan muhiimka ah ee laga yeeshay Isbeddalka Cimilada Adduunka.

Xamza oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in isbeddelka cimilladu uu saameyn toos ah ku yeeshay Soomaaliya, gaar ahaan dhinaca deegaanka oo isbeddello ballaaran laga dareemay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa faray hey’adaha dowladda inay qorshooyin cadcad ka soo gudbiyaan meelaha ugu daran ee u baahan maalgelinta isbeddelka cimillada.

Kulankan ayaa kusoo aaday, xilli weli dalka laga dareemayo saameynta xaaladda Elnino oo dhibaatooyin xoogan ka gaysatay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed