Qodobo xasaasi ah oo ka soo baxay shirka Kismaayo ku dhexmaray Axmed Madoobe iyo xildhibaannada ku matala BFS

War muriyeed ka soo baxay ka dib shir shan maalin uga socday madaxweynaha Jubbaland iyo Xildhibaanada ku matala Labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya oo ku sugan caasimada KMG ee maamulka Kismaayo ayaa sheegay in weli iyaga oo uu socdo ay dowladda Soomaaliya ku kacday sida hadalka loo dhigay talaabooyin sharci daro ah oo sii hurinaya khilaafka.

Xubnaha ayaa sheegay in  waajib ay ku aheyd inay xalka qeyb ka noqoto dowladda kana war sugaan Natiijada wadashiga ay ku jireen, balse waxaa ay nasiib daro iyo kalsooni xumo ku tilmaameen in Xildhibaanada labada gole uu ka muuqdo degdeg iyo isku dhex yaac maamul oo ka jira Hogaanka labada Aqal.

Sida oo kale waxaa ay sharci darro ku sheegeen in Baarlamaanka Federalka iyo Xukuumada Federalka soo gudbiyeen sida hadalka ay u dhigeen shuruucda xisbiyada iyo guddiyada doorashooyinka, iyaga oo weli ay ku guda jireen wada-tashiga iyo xal u raadinta khilaafka iyo kala aragti duwanaanta ka dhex jirta dowladda iyo Jubbaland.

War ka soo baxay shirka Kismaayo oo ka koobannaa 19 qodob ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimaha siyaasadda iyo Amniga, iyada oo loogu baaqay dowladda joojinta waxa lagu sheegay sharci darrada ay ku hayso maamulka Jubbaland.

Xildhibaannada ayaa sheegay in ay arkaan ficiladaas sharci darro ah, ayna u muuqato talaabooyinka xiga ee u qorsheysan dowladda, kuwaa oo dhamaan ka soo hor jeeda Dastuurka DFS iyo Dastuurka Jubaland.

Xildhibaanada Jubbaland ku matala Baarlamaanka Federalka ayaa sheegay in ay isla qaateen in lagama maarmaan ay tahay dhameystirka Dastuurka oo loo maro hab sharci ah oo wadar ogol ah.

Dhanka kale, Xildhibaanadan ayaa tilmaamay in  dastuurka dalka uu yahay heshiis Bulsho, sidaas darteedna in dastuur aan heshiis lagu aheyn uu kala qeybinayo bulshada soomaaliyeed iyo dowlad dhiska.

Waxaa ay cambaareeyeen sida hadalka ay u dhigeen hagardaamaynta iyo siyaasadeynta ay DFS ku maja-xaabineyso dagaalka ay Jubbaland kula jirto Alshabaab, iyaga oo si buuxda u garab istaagay dadaalada iyo dagaalka Ciidamada maamulka iyo xooga Dalku ay kula jiraan.

Dowladda Federaalka ayey ugu baaqeen in ay joojiso fara-gelinta sida warka u yiraahdeen “sharci darrada ah ee ay ka wado deegaannada Jubbaland, Gaar ahaan Faragalinta doorashada, Amniga iyo kala qeybinta Bulshada”,.

Dowlad goboleeyada kale ayey ugu baaqeeen qabashada Doorashadooda si waafaqsan Dastuurka KMG ah ee DFS iyo Dastuurradooda, kana waantoobaan muddo korarsi sharci darro ah.

Ugu dambeyn, Beesha Caalamka iyo Daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa war murtiyeedka ugu baaqay in ay si dhaw ula socdaan ku xad gudubka shuruucda dalka, hubanti la’aanta siyaasadeed & khal-khal galinta bulshada ay daashadeen Colaadaha, Abaaraha, fatahaadaha iyo daryeel xumadu.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed