Qodobo Xasaasi ah oo Laga Soo Saaray Shirkii Dalka Ugaanda ee Soomaliya iyo ATMIS.

War Murtiyeedkii ka soo baxay Shirka Ugaanda uga socday Soomaaliya iyo Waddamada Ciidamada ay Soomaaliya ka joogaan, Sida Ugaanda, Kenya, Burundi, Itoobiya, iyo Jabuuti.

Waxaana laga soo saaray qodobadaan, iyada oo ay goobjoogayaal ka ahayeen Madaxweynayaasha dhammaan dalalka aan kor ku soo xusnay marka laga reebo Itoobiya oo uu u matalayay Waasiirka arrimaha debadda ee Itoobiya ahna Raiisal wasaarah ku xigeenka dalkaasi.

 

1-In la hirgaliyo habraaca dhimista ciidamada ATMIS oo Soomaaliya ka baxaya dhamaadka sanadka 2024.

2- In la helo dhaqaale ku filan iyo taageero saadka ah oo la siiyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, si ay si buuxda ula wareegaan amniga dalka, dhammaadka sannadkan.

3-In la qaado cunaqabateynta hubka, lana dhaqan geliyo qorshaha kala guurka ee Soomaaliya si loo helo Soomaaliya nabad ah.

4- Waxaa la bogadiyay guulaha ciidanka xoogga dalka ay ka soo hoyeen howlgalka xoreynta dalka iyo dagaalka ka dhanka argagixisada.

5-Waxaa hoosta laga xariiqay Qarannimada, Madax-bannaanida Siyaasadeed iyo Midnimada Soomaaliya.

HBN News Desk 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed