Muqdisho ( Hbn tv)-Qaramada Midoobay ayaa bilaawday in ay baaritaan ku Sameeyso markii ugu horreysay dagaalka magaalaada Laascaanood ee gobolka Sool, War aan ka helay Puntland gaar Magaalada Garowe ayaa sheegayaa in Wafdi ballaaran oo ka Socda Qarmada Midoobay iyo Waxgaradka Laascaannod ay kulan ka yeesheen arrintaan.
Odayaasha dhaqanka ee ka qeyb galay kulankaan oo aan la shaacin waxaa kamid ah: Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale, Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed iyo afhayeenka Guddiga-33, Caaqil Cabdirisaaq Falaalug.
Waxayna QM la wadaageen Warbixinno guud oo ku aadan Dhibaatadii ka dhacday Gobolka Sool, si gaar waxay dul-istaageen dhibaatooyinka Ciidanka Soomaaliland ah ka geysteen magaalada Laascaanood.
Dhanka kale Xubnahaan Ka tirsan QM ayaa lagu wadaa in ay la kulmaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi, kuwaas la yeelanaya kulan lagu gorfeyn doono Dhibaatooynkii ka dhacay gobolka iyo Sidii Xal looga gaarin lahaa Ciidamada isku horfadhiya Magaalada Laascaanood.
Warkaan ayaa ku soo aadaya Xilli dowladda Itoobiya ay horay ugu fishalantay waanwaan ay horay u dhex dhigtay labada dhinac taas oo aanan hirgalin.