Xafiiska Qaramada Midoobey Soomaaliya ayaa sheegay in qaati looga taagan yahay Daanyeero fara ba’an ku hayo xaruntooda magaalada Kismaayo ee Jubbaland.
Bixinta xal aan waxyeello lahayn oo lagu xakameyn karo Daanyeerada Xerada soo buux dhaafiyey ayaa UNSOS sheeegtay inay u raadineyso qandaraaslayaal arintan ka caawiya.
Warbixinta UNSOS ay ka soo saartay Daanyeerada oo ka kooban afar bog ayaa lagu carrababaay inay qalabka muhiimka ah ee lagu shaqeeyo ay halis galiyeen Daageeradan, iyaga oo raadinaya cunno iyo hoy.
UNSOS ayaa tilmaantay inay dooneyso qandaraasle awood u leh inuu sameeyo si loo bixiyo habab aan waxyeello laheyn oo lagu kaxeeyo Daaneerka oo hanti iyo xero ku taal Kismaayo qaati looga taagan yahay.
Nuqulka Xafiiska QM ee ayaa lagu carrabaabay in uu xalka la soo jeediyey uu daboolo xaruntooda uu faraha ba’an ku hayo Daanyeerta nuuciisu yahay kan Keymaha ku nool ee soo weeraray.
“Xalka la soo jeediyay waa inuu daboolaa guud ahaan xerada UNSOS ee Kismaayo, Soomaaliya guud ahaan 145,300 oo Mitir isku wareeg ah” ayaa lagu yiri warbixinta QM.
Dad badan oo Soomaali ah oo arintan Fikrado ka dhiibtay ayaa siyaabo maad ah u cabiray aragtidooda, iyada oo wax iska waydiiyey sida xayawaan aan awood laheyn u soo weerari karo xarun Askar iyo shaqaale kalaba joogaan.
HBN ONLINE TV