Qaramada Midoobay Oo Sheegtay in 100-kun Oo qof ay Galeen Itoobiya Kuwaas Oo Ka Cararay Dagaalka Laas-Caannod.

Muqdisho (Hbnonlinetv)- Bayaan Ka soo baxay Hey’adda Qaramada Midoobay ayaa waxay Shaaca kaga qaaday  in ilaa 100-kun oo qof, bishii la soo dhaafay u qaxeen gudaha dal dalka Itoobiya.

Dadkaan oo ka soo cararay Dagaalada u dhexeeyo Ciidanka deegaanka Laas-caanood iyo kuwa Soomaaliland, Dad kale oo badan ayaa sidoo kale  ku barakacay dagaal ka dhacay magaalada lagu muransan yahay ee Laascaanood oo ay ku dhinteen in ka badan 200 oo qof Sida ay Shaacisay Hey’adda Jimciyada Qurumaha Ka dhexeeyso.

Iyada oo dhankale kale  sheegtay in qaxootigan ay isugu tageen gobolka Doolo ee dalka Itoobiya oo ay ka jirto abaartii ugu darneyd muddo afartan sano ah.

Qaramada Midoobay bayaan ah soo saartay waxay hoosta ka xariiqday  in Shaqaalaha gargaarka ay waddaan gaargaar si ay u caawiyaan Qaxootiga soo barakacay kuwaas oo Maciin biday in ay Seexdaan dhismayaasha dadweynaha iyo Bannaada, waxayna la kulmayaan nolol Bini Aadanimo.

Si kasataba, hadalkaan ayaa ku soo aadaya Xilli dagaal Faraha la iskaga gubtay Muddooyinkii dambe uu ka socday Waqooyiga Magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool.

Dagaalka ayaa Saameeyay Nolosha guud oo dhan, waxana jiraan Barakacayaal kale kuwaas oo Cararay Baadiyaha iyo Tuulooyinka hoos taga Gobolka.

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed