Qaramada Midoobay ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii dhawaan lagu qaaday Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, iyadoo ku tilmaantay falkaasi mid xadgudub ah oo kaliya balse uu xadgudub ku yahay hab dhaqanka sharafta leh ee lala xiriirinayo Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Weerarkii lagu qaaday Hotelka SYL oo ah goob caan ah oo ay ku badan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah, ayaa cabsi weyn ka abuuray caasimadda, taasoo qalqal galisay nabada bisha Ramadaan. QM ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay aad uga xun tahay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay falkan argagixisanimo.
Qarammada Midoobay ayaa ku celisay inay ka go’an tahay inay Soomaaliya ka taageerto dadaallada lagula dagaalamayo argagixisada iyo soo celinta xasilloonida, iyadoo sheegtay in loo baahan yahay tallaabo wadajir ah iyo midnimo si looga hortago khatarahaas.
Beesha caalamka, oo ay ku jirto QM, waxay cambaareyneysaa dhammaan noocyada kala duwan ee argagixisada, waxayna caddeysay inay ka go’an tahay ilaalinta qiyamka nabadda, dulqaadka iyo wada noolaanshaha, gaar ahaan inta lagu jiro bishan barakeysan.
HBN NEWS DESK