Qaramada Midoobay oo ballan qaaday inay tababaro farsamo siinayso ciidamada ammaanka Soomaaliya

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan taageerada Soomaaliya ee UNSOS oo dalka ka taageera sidii kor loogu qaadi lahaa tayada ciidamada ayaa ballan qaaday in xilliga kala guurka ah ay siin doonaan tababaro dhanka farsamada ah ciidamada dowladda Soomaaliya.

Hay’adda UNSOS oo taageerta howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) oo si wada jir ah warsaxaafadeed ugu soo saartay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, ayaa waxay ku sheegtay in tababarkan uu yahay mid lagu xaqiijinayo howlgallada joogtada ah iyo dayactirka qalabka amniga ee ciidanka Soomaaliya.

“Haddaan nahay UNSOS waxaa naga go’an inaan taageerno ATMIS iyo dowladda Soomaaliya labadaba, waxaan diyaar u nahay inaan taageerno wajiga saddexaad ee dhimista iyo bixinta taageerada saadka ee lagama maarmaanka ah,” ayuu yiri madaxa UNSOS Qurat-Ul-Ain Sadozai.

Hay’adda ayaa carabka ku adkeeysay in todobaadkan lagu wareejiyay 7-da xarumood ee ciidamada, waxayna ammaantay wada shaqeynta ka dhaxeysa ATMIS, dowladda Soomaaliya iyo UNSOS iyadoo dhanka kale balan qaaday in ay sii wadi doonaan taageeradooda iyo wadashaqeyntooda.

ATMIS iyo UNSOS ayaa ku dhawaaqay in la soo gebagebeeyey wajigii labaad ee dhimista, kaas oo ku saabsan dhimista ciidamada 3,000 oo askari.

ATMIS ayaa dowladda Soomaaliya ku wareejisay 7 saldhig oo ciidan, waxaana la xiray labo kale.

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa ku ammaanay Midowga Afrika, UN-ka iyo saaxiibbada caalamka sida ay naftooda ugu hureen dadaallada nabadda iyo ammaanka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed