Qadar ma waxay wadaa dhexdhexaadinta Soomaaliya & Itoobiya

Amiirka dalka Qadar Sheikh Tamin Bin Hamad ayaa wadahadal khadka telefoonka wuxuu si kala gooni gooni ah ugula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud & Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, sida ay ku warantay wakaalada wararka Qadar ee magaceeda loo soo gaabiyo QNA.

Wadahadalkaas ayaa lagu macneeyay kuwa looga hadlay arrimo la xiriira iskaashiga Qadar iyo dalalka ku yaal Geeska Afrika iyo sidii loo sii xoojin lahaa xiriirkaas.
Tilaabadan ayaa waxay kuu soo aadaysaa iyadoo maalinimadii Isniinta Wasiirka Maaliyada ee Itoobiya Axmed Shide uu safar ku tagay magaalada Doxa halkaasi oo uu kula kulmay Amiirka Qadar, waxaana Madaxtooyada dalkaasi ay sheegtay in Wasiirka Itoobiya ka socda uu u gudbiyay Amiirka Qadar dhambaal qoraal ah oo ka yimid Ra’isalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Lama sheegin waxa dhambaalkaasi ku qoran, waxaase dhamaan arrimahan oo idil ay imaanayaan iyadoo khilaafka dhanka diblumaasiyada ee u dhaxeeya Soomaaliya Itoobiya ee ka dhashay is afgaradkii muranka dhaliyay ee Ra’isalwasaare Abiy Axmed uu la saxiixday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaasi oo Dawlada Soomaaliya si adag uga hortimid kuna tilmaamay xadgudub cad oo ka dhan ah midnimada dhuleed iyo madaxbannaanida qaran ee Soomaaliya.

Ma jiraan wax xog ah oo ku aadan in wadahadalladan looga hadlay arrimaha khilaafka Soomaaliya & Itoobiya, waxaase Qadar ay horey u muujisay in ay taageersan tahay madaxbannaanida iyo midnimada Soomaaliya.

Dhinaca kale ilo dhanka diblumaasiyada ah ayaa waxay u sheegeen HBN Online TV in uu socdo dadaal uu wado Turkiga oo ku doonayo inuu ku dhexdhexaadiyo Soomaaliya iyo Itoobiya, laakiin waxaa arrimahaas caqabad ku noqday mowqifka Dawlada Soomaaliya ay istaagtay oo ah in wax wadahadal ah aanay yeelan doonin Muqdisho iyo Addis Ababa ilaa iyo inta Dawlada Itoobiya ka laabanayo isfahamka ay bishii la gaartay Somaliland oo dawlada Soomaaliya ku tilmaamtay gobol ka mid ah Jamhuuriyada Soomaaliya, isla markaana aanay sharciyad aanay u haysan in ay gashao heshiis caynkaasi ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed