Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo warbaahinta maanta kula hadlay garowe ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay gardaran tahay sida uu hadalka u dhigay maamulkiisa, isaga oo ku eedeeyey tahriibin iyo bubruinta dhulka danta guud.
Waxaa uu sheegay isaga oo si gaar ah u bartilmaameedsaday madaxweyne Xasan Sheekh in uu ay soo dhaweynayaan maadama uu gardaran yahay sida hadalka uu u yiri Puntland.
“Xasan waa inaga gardaran yahay, hadduu gartiisa naqsanayo oo uu leeyahay anaa gardarnaa boowayaalow raali ahaada diyaar baan u nahay” ayuu yiri Wasiir Dirir.
Hadalka wasiirka warfaafinta Puntland Dirir ayaa ku soo aadaya iyada oo cilaaqaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo maamulka uu xumaa, isaga oo dhowr todobaaad ka hor shir gaar ah oo uu la yeeshay mudanayaasha labada gole ka sheegay in uu diyaar u yahay xalinta tabashada jirta.
HBN ONLINE TV