Puntland oo sheegtay in ay ka walaacsan tahay xaaladda dalka “lana “badbaadiyo.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir ayaa sheegay in madaxweyne Xasan Sheikh ay ka soo xirmeen sida uu hadalka u dhigay gidaaradii uu ku doonayay muddo kororsi, kaddib markii uu fashilmay shirkii Golaha Wadatashiga, inkastoo Ra’isalwasaaraha Soomaaliya uu sheegay in shirku uu socdo oo aanu jirin wax fashil ah.

Wasiir Dirir ayaa hadalkiisa ku xusay in dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyadu mar dambe isugu imaan doonin wax madal la dhaho, isaga oo tilmaamay in haatan dalku u baahan yahay siduu qabo in la badbaadiyo, lana qabto shirweyne ballaaran oo looga tashanayo xaaladda siyaasadeed ee uu dalku ku sugan yahay.

“Xasan iyo mabaadii’diisii kali taliska ahayd gidaarkay soo taabatay. Gidaarka hadday soo taabatayna Mariyaanana way sugaysaa, in guntiga lagu dhego lix bilood oo la dhaho Xasanow soo bax. Isagaa oran jiray Maxamadow soo bax,” ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland.

Wasiirku wuxuu sheegay Puntland in ay ka walaacsan tahay in madaxweyne Xasan Sheikh uusan diyaar u ahayn sida uu hadalka u dhigay in dalka doorasho u diyaariyo sanadkan 2026, wuxuuna carrabaabay in damaca siyaasadeed ee madaxweynaha uu dalku galin karo qalalaase siyaasadeed oo aan lagasoo waaqsan.

Wuxuu sheegay in uu meesha ka maqan tahay waa sida hadalka uu u yiriye kaalintii Raisa’wasaaruhu lahaa, isaga oo sheegay Ra’saiwalsaaruhu uu ku shaqeynayo damaca iyo rabitaanka madaxweynaha.

Puntland oo maqane ka ah shirka golaha wadatashiga qaran ayaa uga maqan khilaaf daba-dheeraaday, kaasi oo sababay in uu joogsado wada shaqeyntii dowladda kala dhexeysay, ayna sababtay in heerkaan uu soo gaaro.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed