Saciid Deni oo ka hadlay Arrimaha Siyaasadeed ee Sool, Gedo, iyo Dowladda

Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay wada hadal la galeyso dowladda dhexe si looga hadlo masiirka siyaasadeed ee dalka, iyaga oo sheegay in loo baahan yahay wada hadal miro dhalo oo loo dhan yahay kaas oo taabanaya mustaqbalka Soomaaliya, xooggana in la saaro wada hadal jiheyn kara xaaladda dalka.

Madaxweyne Deni  oo maanta qudbad ka jeediyay magaalada Garowe ayaa sheegay in Puntland ay diyaar u tahay wada hadal ay la gasho Dowladda federaalka kaas oo noqonaya mid gaar ah oo cid kale aan ku xirneyn oo u dhexeeya Puntland iyo Dowladda federaalka ah, sidoo kale waxa u sheegay in heshiisyadii horey loola galey Dowladda federaalka ah weligeedba aysan fulin, laakiin ay mowqifkooda soo bandhigeen bishii janaayo 2023 ee sannadkaan isla markaana ay diyaariyeen guddi wada xaajood.

Hadalkaan ka ymid dhinaca Puntland ayaa ku soo aadaya iyada khilaafka kala dhexeeyo dowladda dhexe uu cirka isku shareeray muddooyinkii dambe, Puntland ayaa toos uga hortimid go’aankii Golaha Wadatashiga Qaran ee Soomaaliya kaas wax looga beddelayay hannaanka doorashada Soomaaliya.

Saciid Deni iyo Gobolka Gedo

Madaxweyne Deni ayaa soo hadal qaaday arrinta cakiran ee gobolka Gedo, waxaa uu sheegay in ay tahay wax laga xumaado, asiga oo sheegay in dowladda dhexe aysan ku kicin wixii horay iyada lagula dhaqmay, waxaa hoosta ka xariiqay in Jubland ay u baahan tahay dib u hishiisiin loo dhan yahay, Deni ayaa u muuqday mid aanan taageersaneen Maamulkii dhawaan uu soo magacaabay Axmed Madoobe.

Saciid Deni iyo SOOL

Arrinta gobolka Sool gaar ahaan maagalada Laascaanood ayuu Madaxweyne Siciid Deni mar kale soo qaadey, waxaa uu ugu baaqey Somaliland in ay u hoggaansato baaqyada caalamiga ah oo ay isaga baxdo gobolka Sool, waxaa uu hoosta ka xariiqay in Puntland aysan daawan doonin dhibaatada gobolka, Puntland ayaa u muuqata in ay gali doonto arrin gobolka ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Si kastaba, madaxweynaha Puntland ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay xaaladda dalka waxaa uuna soo hadal qaaday dhibaatooyinka guud k Jiro Soomaaliya ee la xiriiro khilaafka Siyaasadeed.

Deni ayaa maanta qudbad ka jeediyay Kalfadhiga 52aad baarlamaanka Puntland ayaa socon doona muddo 45 maalmood ah, waxaana uu noqon doonaa kalfadhigii ugu xasaasiyadda badnaa.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed