Puntland oo kalsoonidii kala laabatay Xildhibaanada laga soo doortay maamulkaas isla markaana shaaacisay sababta ka dambeysa

Maamul goboleedka  Puntland ayaa shaaca ka qaaday in ay kalsoonida kala laabteen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ka soo horjeestay go’aamadii Puntland ay ka soo saartay xiriirka ay la leedahay dowladda Federaalka.

Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Ciid Dirir, ayaa  sheegay in Xildhibaanada ay noqdeen mucaarad deegaanadooda. Sidaa darteed, si hufan uma matali karaan Puntland baarlamaanka federaalka.

“Waa in ay fahmaan in aysan xasaanad lahayn haddii ay ka soo horjeestaan ​​deegaannadii ay soo doorteen, aysan ka duwanayn dadka caadiga ah,” ayuu ku nuux-nuuxsaday Wasiir Ceydiid Dirir.

Hadalka Wasiirka Warfaafinta ayaa imaanaya xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in qaar ka mid ah Xildhibaanada laga soo doortay Puntland ay wada hadal kula jiraan dowladda Federaalka Soomaaliya, maadaama Madaxweyne Deni uu xiriirka u jaray dowladda Federaalka.

Xildhibaanadan ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Deni inuu dagaal siyaasadeed la galay dowladda Federaalka, taasoo keentay in shacabka Puntland laga qaado mashaariic horumarineed.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda CabdiQafaar Xasan Xaange uu ku eedeeyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni inuu hor istaagay Mashaariic badan oo shaqo iyo fursado kale u keenaya Shacabka Puntland. Mashaariicdan oo ay ka mid yihiin Mashruuca Mushaharka Macalimiinta Qaranka, Mashruuca Caafimaadka Dambe, Mashruuca Barwaaqo (Ex Biyoole), Mashruuca kabka Miisaaniyadda, Mashruuca Tamarta iyo Korontada. Sida uu sheegay wasiirku mashaariicdan oo ay ku baxayso boqolaal milyan oo dollar ayaa laga sugayaa ogolaanshaha Puntland.

Puntland ayaa toddobaadyo ka hor sheegtay inay ka baxday nidaamka federaalka, ayna si madax bannaan isu maamuli doonto, inta laga ansixinayo wax ka bedelka dastuurka ee ay ansixisay dowladda dhexe ee Soomaaliya, iyadoo afti dadweyne loo qaadi doono guud ahaan dalka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed