Puntland oo Jawaab ka Bixisay Hadal Ka Soo Yeeray Villa Soomaaliya

Puntland ayaa jawaab Culus ka bixisay hadal dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh kaas oo ku saabsanaa in uusan jirin khilaaf ka dhexeeya Puntland iyo Villa Soomaaliya madal lagu weydiinaayo suaalo dadweyne Magaalada Muqdisho.

Dowlad goboleedka Puntland sheegtay banaankana keentay khilaafka dowladda dhexe iyo Puntland, iyaga oo dhowr jeer oo hore Dowladda ku eedeyay in aysan wadatashi ka sameeyn arrimaha la xiriiro masiirka dalka, sida Dhameystirka Dastuurka,  Hanaanka Amniga Qaranka, sida loo dhisayo iyo siday u shaqeynayaan ciidamada qalabka dowladda iyo kuwa maaamulada heer Faderaal iyo arrimo kale.

Wasiirka qorsheynta Puntland Maxamed Saciid Faroole ayaa sheegay mowqifka Puntland ee ku aadan tabashada ay ka qabaan hoggaanka Villa Soomaaliya ee ku aadan wada shaqeynta labada dhinac.

Waxaa uu soo hadal qaaday, in Puntland ay juhdi iyo waqti adag ku bixisay aas aaska dowladda Soomaaliya kaalin weyna ka ciyaartay taniyo 1991 markii ay burburtay dowladda gacaanka ee Maxamed Siyaad Barre.

Lama heerka uu gaari doono Khilaafkaan, balse Puntland ayaa kamid ah Maamulada Sameynta ku leh awoodda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

HBN News Desk.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed