Puntland oo eedeymo culus oo amni darro u jeedisay DFS iyo qorshe ay wado

Maamulka Puntland oo eedeymo culus oo amni darro u jeedisay dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa shaacisay inay dib u eegis ku sameyneyso xiriirka iyo qorsheyaasha siyaasadeed ee mustaqbalka ee kala dhexeeya, xilli uu sii xoogeysanayo khilaafka ku saabsan nooca doorasho ee dalka loo jihaynayo bilaha soo socda.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland, Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), oo la hadlayay bulshada degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ku guuldareysatay sida uu hadalka u dhigay inay wax ka qabato baahiyaha Puntland, isla markaana ay ku kacday falal lid ku ah amniga deegaannada maamulkaas.

Wasiirka ayaa Dowladda dhexe sheegay inay si toos ah uga shaqeysay amni darrada Puntland, isaga oo xusay in ciidamo la keenay gudaha deegaannada maamulkasi ay door ku yeesheen sida uu ku dooday xasillooni darro, taas oo uu ku tilmaamay mid sii hurisay xiisadaha jira.

Sidoo kale, Cabdi Xirsi Cali ayaa tilmaamay in Puntland ay horay uga diyaarsanayd xaaladaha cakiran ee siyaasadeed, islamarkaana ay qaadday tallaabooyin ay isku difaaceyso, isagoo xusay inaysan jirin wax taageero ah oo ay ka heleen dowladda dhexe.

Ugu dambeyn, Puntland ayaa muujisay inay ka tashanayso mustaqbalkeeda siyaasadeed iyo xiriirka ay la leedahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la filayo in go’aanada ka soo baxa ay saameyn ku yeeshaan jihada siyaasadeed ee dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed