Waqooyi Bari oo soo saartay awaamiir adag oo ka dhan ah ganacsiga hubka sharci-darrada ah

Wasaaradda Amniga Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa soo saartay wareegto ay si adag uga hadashay ka-hortagga hubka sharci-darrada ah, iyadoo digniin culus u dirtay shacabka ku nool deegaannada maamulkaas.

War-saxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in si buuxda loo mamnuucay ganacsiga hubka, rasaasta iyo agabka ciidamada ee aan sharciyeysneyn, iyadoo la tilmaamay in kaliya Waqooyi Bari ay xaq u leedahay soo dejinta iyo maareynta hubka nooc kasta ah.

Sidoo kale, Wasaaradda Amniga ayaa sheegtay in tallaabooyin sharci oo adag laga qaadi doono cid kasta oo lagu qabto iyadoo ku lug leh iibinta ama ka ganacsiga hub sharci-darro ah, iyadoo la raacayo shuruucda dalka.

Ugu dambeyn, Wasaaradda ayaa ugu baaqday shacabka inay ka fogaadaan falalka amni darrada keeni kara, isla markaana ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyada guud, iyadoo xustay in ilaalinta amniga ay tahay waajib wadajir ah oo saaran dhammaan bulshada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed