Diidmada isticmaalka Lacagta Shilinka Soomaaliya oo si degdeg ah ugu sii fidaysa gobollada badan Baay iyo Shabeellaha dhexe

Iyada oo magaalada Muqdisho saacadihii la soo dhaafay laga diiday isticmaalka lacagta shilinka Soomaaliga ayaa waxaa xaaladdan ay si degdeg ah ugu fiday gobollo kale oo dalka ah, gaar ahaan Baay iyo Bakool.

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ganacsatada magaaladaasi ay bilaabeen inay diidaan qaadashada lacagta shilinka Soomaaliga, kaddib markii suuqyada waaweyn ee gobolka Banaadir ay joojiyeen isticmaalkeeda, ayna ku xirnaayeen, taas oo si toos ah u saameysay isku socodka ganacsiga.

Qaar ka mid ah shacabka Baydhabo oo la hadlay warbaahinta ayaa arrintan ku tilmaamay mid siyaasadaysan, islamarkaana ay u arkaan cunaqabatayn saameyn ku yeelanaysa noloshooda, iyagoo si weyn uga horyimid tallaabada ay qaadeen ganacsatada.

Dhanka kale, bannaanbaxyo ayaa ka dhacay magaalada Jowhar, halkaas oo dadweyne badan ay codkooda ku diidayeen joojinta isticmaalka shilinka Soomaaliga, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ka dhan ah hoggaanka sare ee dalka.

Kadib Banaanabaxaasi, Maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa shir degdeg ah ka yeeshay xaaladda, waxayna amar ku bixiyeen in dib loo furo goobaha ganacsiga isla markaana la soo celiyo adeegyada muhiimka ah, halka sarafleyda iyo ganacsatada lagu adkeeyay inay ka shaqeeyaan xasilinta xaaladda dhaqaale ee taagan.

“Waxaa ganacsatada iyo sarafleyaasha lagu amray in si deg-deg ah dib loogu furo goobaha ganacsiga, si loo soo celiyo adeegyada lagama maarmaanka u ah bulshada.” ayaa lagu yiri war ka soo baxay maamulka degmada Jowhar.

Gobollada dalka intooda badan ayaa horey uga baxay isticmaalka shilinka Soomaaliga, iyadoo shacabka ay si buuxda ugu wareegeen lacagta danabeysan ee mobile-ka oo hadda lagu bixiyo inta badan adeegyada maalinlaha ah, inkastoo dowladda ay ku soo rogtay canshuur 5% ganacsiga caasimada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed