Ciidamada Turkiga oo tababar & dhoolatus ku sameynaya xeebaha Soomaaliya

Ciidamada Badda ee dalka Turkiga ayaa tababar iyo dhoolatus militari waxay ka wadaan xeebaha Soomaaliya, iyagoo tijaabinaya habka ay diyaaradaha dagaalku ugu degayaan maraakiibta dagaalka ee ilaalinaya markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa sheegtay in 2 diyaaradood oo nooca AS-532 Cougar ah, oo ka tirsan Ciidamada dhulka iyo cirka, ay fuliyeen tababarro degis iyo kacis ah oo lagu sameeyay maraakiibta dagaalka ee TCG Gaziantep  iyo TCG Yüzbaşı Güngör Durmuş, kuwaas oo ku sugan Badweynta Hindiya ee ka baxsan xeebaha Soomaaliya.

“Iyadoo la adeegsanayo 2 diyaaradood oo nooca AS-532 Cougar ah oo ka tirsan Talisyada Ciidamada Dhulka iyo Cirka, waxaan fulinnay tababar ku saabsan degitaan iyo kacitaan oo lagu sameeyay maraakiibta TCG Gaziantep iyo TCG Captain Güngör Durmuş, kuwaas oo ku sugan xeebaha Soomaaliya ee Badweynta Hindiya.” ayey tiri Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga.

Dhanka kale, dowladda Soomaalya ayaa dhankeeda xustay in tababarradan ay qeyb ka yihiin heshiiska “Iskaashiga Difaaca iyo Dhaqaalaha” ee u dhexeeya Muqdisho iyo Ankara, kaas oo xoojinaya iskaashiga milatari iyo amni ee labada dal, mana aanay xusin ciidamo Soomaaliyeed la socdaan ama ka qeyb yihiin tababarka ay wadaan ciidamada Turkiga.
Tababarkan ayaa kusoo aadaya xili iskaashiga u dhexeeya labada dal, gaar ahaan dhinacyada difaaca uu is bedel muuqda ku socday, sidoo kale lagu taageerayo howlaha qodista shidaalka ee ka socda xeebaha Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed